Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 7:7-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. taas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taladaasu hagaagi mayso, mana ahaan doonto.

8. Waayo, Suuriya madaxeedu waa Dimishaq, oo Dimishaq madaxeeduna waa Resiin, oo reer Efrayimna waxay ku kala jajabi doonaan muddo ah shan iyo lixdan sannadood si aanay innaba dad u sii ahaan,

9. oo reer Efrayim madaxoodu waa Samaariya, oo Samaariya madaxeeduna waa ina Remalyaah. Haddaad rumaysan weydaan, sida xaqiiqada ah sinaba ma xoogaysan doontaan.

10. Oo weliba Rabbigu mar kaluu Aaxaas la sii hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

11. Rabbiga Ilaahaaga ah calaamad weyddiiso, oo waxaad ka weyddiisataa meelaha hoose ama meelaha sare.

12. Oo Aaxaasna wuxuu yidhi, Anigu waxba weyddiisan maayo, oo Rabbigana innaba jirrabi maayo.

13. Oo isna wuxuu yidhi, Reer Daa'uudow, bal haatan i maqla, ma wax yar bay idinku tahay inaad dadka daalisaan? Oo weliba Ilaahaygana miyaad daalinaysaan?

14. Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu'eel.

15. Wuxuu cuni doonaa subag iyo malab, ilaa uu aqoonsado inuu sharka diido oo wanaagga doorto.

16. Waayo, intaan yarku aqoonsan inuu diido sharka oo uu wanaagga doorto ayaa dalka aad labadiisa boqor karaahiyaysatoba laga tegi doonaa.

17. Adiga, iyo dadkaaga iyo reerka aabbahaaba waxaa Rabbigu ku soo dejin doonaa wakhti aan idiin iman tan iyo waa reer Efrayim ay dalka Yahuudah ka tageen, oo kaasuna waa kii boqorka Ashuur.

18. Oo weliba maalintaas Rabbigu wuxuu u soo foodhyi doonaa diqsiyada jooga webiyada Masar darafka ugu shisheeya, iyo shinnida joogta dalka Ashuur.

19. Oo iyana way iman doonaan, oo kulligood waxay ku degi doonaan dooxooyinka cidlada, iyo godadka dhagaxyada, iyo geedaha qodxanta leh oo dhan, iyo meelaha daaqsinta ah oo dhan.

20. Oo isla maalintaas ayaa Rabbigu madaxa iyo xataa lugahaba ku xiiri doona mandiil laga soo kiraystay webiga shishadiisa, taasoo ah boqorka Ashuur, waxayna baabba' ka dhigi doontaa gadhka.

21. Oo waxay maalintaas noqon doontaa in nin dhaqaalaysto sac iyo laba laxaad,

22. oo caanaha tirada badan oo uu ka heli doono aawadood ayuu subag cuni doonaa, waayo, mid kasta oo dalka ku hadhayba wuxuu quudan doonaa subag iyo malab.

23. Oo waxay maalintaas noqon doontaa in meel kasta oo ay ku yiilleen kun geed oo canab ah oo kun xabbadood oo lacag ah lagu qiimeeyo, ay noqoto meel ay ka soo baxaan yamaarug iyo qodxan.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 7