Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 64:9-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Rabbiyow, aad ha u cadhoon, oo xumaantana ilaa weligaa ha sii xusuusan. Bal eeg, oo na fiiri, waan ku baryaynaaye, waayo, kulligayo dadkaaga baannu nahay.

10. Magaalooyinkaagii quduuska ahaa cidlo bay noqdeen, Siyoon waxay noqotay cidlo oo kale, Yeruusaalemna waxay noqotay meel baabba' ah.

11. Gurigayagii quduuska ahaa oo qurxoonaa oo ahaa meeshii ay awowayaashayo kugu ammaani jireen dab baa lagu gubay, oo waxyaalahayagii wanwanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.

12. Rabbiyow, waxyaalahaas aawadood ma isu celinaysaa? Ma iska aamusaysaa, oo ma aad baad noo sii dhibaysaa?

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 64