Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 52:8-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Waa ka codka waardiyayaashaadu! Codkooday kor u qaadayaan, oo dhammaantood way wada heesayaan, waayo, indhahooday ku arki doonaan markii Rabbigu Siyoon ku soo noqonayo.

9. Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay.

10. Waayo, Rabbigu wuxuu gacantiisii quduuska ahayd bayaan ugu muujiyey quruumaha oo dhan hortooda, oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadinta Ilaaheenna.

11. Kuwiinna weelasha Rabbiga sidow, taga, oo taga, oo halkaas ka soo baxa, ha taabanina wax aan daahir ahayn, oo iyada ka dhex baxa, oo daahir ahaada.

12. Waayo, degdeg kuma bixi doontaan oo qixidna kuma carari doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idin hor kici doona, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa idin daba socon doona.

13. Bal eega, addoonkaygu caqli buu yeelan doonaa, oo waa la sarraysiin doonaa, oo kor baa loo kicin doonaa, wuxuuna noqon doonaa mid aad u sarreeya.

14. Waxaa jaahiisii loo xumeeyey si ka daran sida nin kale loo xumeeyo, suuraddiisiina waxaa loo xumeeyey si ka daran sida binu-aadmiga loo xumeeyo oo kale, haddaba sidii kuwa badanu ula yaabi jireen oo kale,

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 52