Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 5:9-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.

10. Oo weliba toban tacab oo beer canab ahu waxay dhali doonaan qiyaas bad la yidhaahdo oo keliya, oo xomeer muggiis oo iniino ahuna wuxuu dhali doonaa in eefaah qaadi karo.

11. Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo!

12. Diyaafadahooda waxaa yaal kataarad iyo shareerad, iyo daf iyo biibiile, iyo khamri, laakiinse iyagu kama fiirsadaan shuqulka Rabbiga, kamana fikiraan waxyaalihii ay gacmihiisu sameeyeen.

13. Haddaba sidaas daraaddeed dadkaygii waxaa loo kaxaystay maxaabbiis ahaan, maxaa yeelay, aqoon ma laha, oo raggoodii sharafta lahaa way gaajoodeen, dadkoodii badnaana oon bay la gubteen.

14. Haddaba sidaas daraaddeed She'ool calooshiisii buu isballaadhiyey, oo afkiisiina qiyaasla'aan buu u kala qaaday, oo kuwooda haybadda leh, iyo dadkooda badan, iyo kuwooda buuqa, iyo ku alla koodii reyreeyaba isagay hoos ugu dhaadhacaan.

15. Oo ninka hoose baa la soo dejin doonaa, oo ninka weynna waa la hoosaysiin doonaa, oo kuwa isla weyn indhahooda waa la hoosaysiin doonaa,

16. laakiinse Rabbiga ciidammada caddaalad baa lagu sarraysiin doonaa, oo Ilaaha quduuska ahna waxaa quduus loogu tirin doonaa xaqnimo.

17. Oo markaasay baraarku daaqsintooda ikhtiyaar u daaqi doonaan, oo kuwii barwaaqaysnaana meelahooda baabba'ay waxaa cuni doona shisheeyayaal.

18. Hoog waxaa leh kuwa xumaanta ku soo jiita xadhkaha aan waxba tarayn, oo dembigana ku soo jiita jaraha gaadhiga oo kale,

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 5