Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 46:11-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Waxaan xagga bari uga yeedhayaa haad aad u gaajaysan oo ah ninka taladayda oofinaya oo aan waddan fog uga yeedhayo. Waan ku hadlay, oo weliba waan oofin doonaa. Waan u qasdiyey, oo weliba waan samayn doonaa.

12. Kuwiinna qalbiga qallafsan oo xaqnimada ka fogow, bal i maqla!

13. Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 46