Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 45:14-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Rabbigu wuxuu leeyahay, Hawsha Masar, iyo baayacmushtariga Itoobiya, iyo reer Saabaa'iim oo ah dad sarajoog dheer idinkay idiin soo gudbi doonaan, oo kuwiinnay ahaan doonaan. Iyagu way idin daba socon doonaan, oo waxay idiin soo gudbi doonaan iyagoo silsiladaysan, oo way idiin sujuudi doonaan, wayna idin baryi doonaan, iyagoo leh, Sida xaqiiqada ah Ilaah dhexdiinnu jiraa, oo mid kalena ma jiro, oo isaga mooyaane Ilaah kale ma jiro.

15. Ilaaha reer binu Israa'iil oo ah Badbaadiyahow, sida runta ah waxaad tahay Ilaah isqariya.

16. Iyagu dhammaantood way ceeboobi doonaan oo giddigoodna way sharafjabi doonaan, oo kuwa sanamyo sameeya oo dhammu way wada qasmi doonaan.

17. Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.

18. Waayo, Rabbiga samooyinka uumay oo ah Ilaaha dhulka uumay, oo sameeyey, oo dhisay, oo aan si aan waxba tarayn u uumin, laakiinse u uumay in la degganaado wuxuu leeyahay, Anigaa Rabbiga ah mid kalena ma jiro.

19. Anigu kuma hadlin qarsoodi iyo meel gudcur ah oo dhulka ka mid ah. Farcanka Yacquub kuma odhan, Si aan waxba tarin ii doondoona. Aniga Rabbiga ahu waxaan ku hadlaa xaqnimo, oo waxaan sheegaa waxyaalo qumman.

20. Kuwiinna quruumaha ka baxsadayow, soo shira, oo dhammaantiin kaalaya, kulligiin soo wada dhowaada. Kuwa sanamyadooda qoriga ah sita oo ilaah aan waxba badbaadin karin barya aqoon ma leh.

21. Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.

22. Dhulka darafyadiisa oo dhammow, i soo eega, oo kulligiin badbaada, waayo, anigaa Ilaah ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.

23. Waxaan ku dhaartay nafsaddayda, oo eray baa afkayga xaqnimo uga baxay, soona noqon maayo, waxaana weeye, Jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, carrab walubana waa igu dhaaran doonaa.

24. Waxaa laygu odhan doonaa, Rabbiga uun ayaa xaqnimo iyo xoogba leh. Isagaa loo iman doonaa, oo kuwii isaga u cadhaysnaa oo dhammuna way wada ceeboobi doonaan.

25. Farcanka Israa'iil oo dhammu Rabbiga bay xaq ku noqon doonaan, wayna faani doonaan.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 45