Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 37:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo markii Boqor Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.

2. Markaasuu Elyaaqiim oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo duqowdii wadaaddada iyagoo joonyado qaba u diray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos.

3. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Xisqiyaah wuxuu kugu leeyahay, Maanta waa maalin dhibaato, iyo canaan, iyo cay, waayo, carruurtii way dhalan lahayd, laakiinse xoog lagu dhalaa ma jiro.

4. Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool, waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay, haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 37