Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 32:10-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Naagaha aan digtoonaynow, sannad iyo dhawr maalmood ayaad dhibtoon doontaan, waayo, canabguriddu ma jiri doonto oo midho-urursiguna ma iman doono.

11. Naagaha istareexsanow, gariira, oo kuwiinna aan digtoonaynow, dhibtooda. Ismudhxiya, oo isqaawiya, oo dhar joonyad ah dhexda ku xidha.

12. Beerihii wanaagsanaa iyo canabkii midhaha badnaa ee la waayay aawadood ayay naasahooda u garaaci doonaan.

13. Oo dalka dadkayga iyo xataa guryaha farxadda oo magaalooyinka faraxsan ku yaal oo dhan waxaa ka soo bixi doona qodxan iyo yamaarug,

14. maxaa yeelay, daarta boqornimada waa laga tegi doonaa, oo magaalada dadka badanna waa laga kici doonaa, oo buurta iyo munaaradduna waxay weligood ahaan doonaan godad dugaag, iyo farxad dameer banjoog ah, iyo daaqsin idaad,

15. ilaa Ruuxa xagga sare nalagu kor shubo, oo cidladuna ay noqoto beer midho badan, oo beerta midhaha badanna sida duud oo kale lagu tiriyo.

16. Oo markaas dabadeed ayaa caddaaladu cidlada joogi doontaa, oo xaqnimona waxay ku sii jiri doontaa beerta midhaha badan.

17. Oo xaqnimada shuqulkeeduna wuxuu ahaan doonaa nabad, xaqnimaduna weligeed waxay keeni doontaa xasilloonaan iyo kalsooni.

18. Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.

19. Laakiinse roobdhagaxyaale ahu wuxuu ku soo degi doonaa duudda, oo magaaladana hoos baa loo soo dejin doonaa.

20. Waxaa barakaysan kuwiinna biyo dhinacyadooda oo dhan wax ku abuura oo dibiga iyo dameerka u sii daaya inay daaqaan.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 32