Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 32:1-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.

2. Oo ninba wuxuu noqon doonaa meel dabaysha lagaga dhuunto iyo gabbaad duufaanka laga dugsado, iyo sida webiyo biya ah oo meel engegan ku yaal, iyo sida hoos dhagax weyn oo dal oommane ah ku yaal.

3. Oo kuwii arka indhahoodu ma ay awdmi doonaan, oo kuwii maqla dhegahooduna way dhegaysan doonaan.

4. Oo kuwa wax walba ku degdega qalbigoodu aqoontuu garan doonaa, oo kuwa gangada leh carrabkooduna wuxuu diyaar u ahaan doonaa inuu bayaan u hadlo.

5. Oo mar dambe lama odhan doono, Nacasku waa gob, oo lama odhan doono, Xoolocirdoonku waa deeqsi.

6. Waayo, nacasku nacasnimuu ku hadli doonaa, oo qalbigiisuna xumaan buu samayn doonaa si uu cibaadala'aan ugu isticmaalo oo uu wax been ah Rabbiga ka sheego, inuu nafta gaajaysan sii madhiyo oo uu kii oomman cabniinkiisa gooyo.

7. Oo xoolocirdoonka hubkiisuna waa shar miidhan, oo wuxuu hindisaa hindisayaal shar ah si uu masaakiinta erayo been ah ugu baabbi'iyo, xataa haddii saboolku si qumman u hadlo.

8. Laakiinse deeqsigu wuxuu hindisaa waxyaalo deeqsinimo ah, oo wuxuu ku sii adkaan doonaa waxyaalo deeqsinimo ah.

9. Naagaha istareexsanow, kaca, oo codkayga maqla, gabdhaha aan digtoonaynow, Erayga dhegta u dhiga.

10. Naagaha aan digtoonaynow, sannad iyo dhawr maalmood ayaad dhibtoon doontaan, waayo, canabguriddu ma jiri doonto oo midho-urursiguna ma iman doono.

11. Naagaha istareexsanow, gariira, oo kuwiinna aan digtoonaynow, dhibtooda. Ismudhxiya, oo isqaawiya, oo dhar joonyad ah dhexda ku xidha.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 32