Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 31:4-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.

5. Sida shimbirro duulaya ayaa Rabbiga ciidammadu Yeruusaalem u daafici doonaa, wuu daafici oo wuu samatabbixin doonaa, wuuna u tudhi doonaa oo badbaadin doonaa.

6. Reer binu Israa'iilow, u soo noqda kii aad aad uga caasiyowdeen.

7. Waayo, maalintaas nin kastaaba wuxuu iska xoori doonaa sanamyadiisii lacagta ahaa iyo sanamyadiisii dahabka ahaa oo ay gacmihiinnu dembi idiinku sameeyeen.

8. Oo markaas kan reer Ashuur wuxuu ku le'an doonaa seef aan binu-aadmi ka iman, oo seefta aan xagga dadka ka iman ayaa dili doonta, oo seeftuu ka carari doonaa, oo barbaarradiisuna addoommo bay noqon doonaan.

9. Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 31