Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 21:9-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Oo bal eeg, waxaa soo socda ciidan fardo fuushan oo laba laba u socda. Oo isna waa u jawaabay oo wuxuu yidhi, Baabuloon waa dhacday, waa dhacday, oo sanamyadeedii xardhanaa oo ilaahyadeedu way wada jajabeen oo dhulkay daadsan yihiin.

10. Dadkayga sida hadhuudh la tumayow, wixii aan Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ka maqlay waan idin ogeysiiyey.

11. Kanu waa warka culus ee Duumah ku saabsan. Mid baa aniga Seciir iiga yeedhay, isagoo leh, Waardiyow, habeenka ka warran?

12. Oo waardiyihiina wuxuu yidhi, Waagu waa beryayaa, habeenkuna waa soo socdaa, haddii aad wax weyddiinaysaan, weyddiiya, soo noqda oo kaalaya.

13. Kanu waa warka culus ee dalka Carabta ku saabsan. Kuwiinna safarka ah oo reer Dedaanow, waxaad ku hoyan doontaan kaynta dalka Carabta.

14. Kuwa oomman biyo u keena, kuwa dalka Teemaa degganow, kuwa qaxay cunto kala hor taga.

15. Waayo, iyagu seef bay ka carareen, taas oo ahayd seef gal la', iyo qaanso xodan iyo dagaal aad u kulul.

16. Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Muddo sannad ah oo ah sida sannadaha shaqaalaha ayaa sharafta Qedaar oo dhammu ku baabbi'i doontaa.

17. Oo intii ka hadhay tirada ragga qaansaleyda ah oo ah ragga xoogga badan oo reer Qedaarna way yaraan doontaa, waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa saas ku hadlay.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 21