Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ishacyaah 14:29-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

29. Reer Falastiin oo dhammow, ha ku farxin in ushii lagugu garaacay jabtay, maxaa yeelay, abeesada xididkeeda waxaa ka soo bixi doona jilbis, oo farcankiisuna wuxuu noqon doonaa masduulaa dab leh.

30. Oo curadka masaakiinta ayaa wax cuni doona, kuwa baahanna ammaan bay ku jiifsan doonaan, oo xididkaagana waxaan ku dili doonaa abaar, kuwa kaa hadhayna waa la layn doonaa.

31. Iriddow, barooro. Magaaladaay, ooy! Reer Falastiin oo dhammow, kulligaa cabsi la dhalaal, waayo, waxaa woqooyi ka iman doona qiiq, oo midna saaxiibbadiis kama hadhi doono.

32. Haddaba bal maxaa loogu jawaabi doonaa wargeeyayaasha quruunta? Waxaa loogu jawaabi doonaa in Rabbigu Siyoon aasaasay oo kuwa dhibaataysan ee dadkiisuna ay dhexdeeda magangeli doonaan.

akhri dhamaystiran cutubka Ishacyaah 14