Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Hoosheeca 12:10-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Oo weliba waxaan la hadlay nebiyadii, oo waxaan badiyey waxyaalo aan tusay, oo nebiyadana waxaan u soo dhiibay masaalooyin.

11. Reer Gilecaad waa xumaan miidhan oo iyagu dhammaantood waa wax aan waxtar lahayn. Waxay Gilgaal ku allabaryaan dibiyo, oo weliba meelahooda allabarigu waa sida tuulmooyin ku dhex yaal jeexjeexyada beerta oo kale.

12. Yacquub wuxuu ku dhex cararay beertii Aram, oo Israa'iil inuu naag helo buu u shaqeeyey oo ido u ilaaliyey.

13. Oo Rabbigu reer binu Israa'iil nebi buu kaga soo bixiyey dalkii Masar, oo nebi baa iyagii lagu ilaashay.

akhri dhamaystiran cutubka Hoosheeca 12