cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Hoosheeca 11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Jacaylkii Ilaah Ee Israa'iil

1. Markii Israa'iil ilmo yar ahaa waan jeclaan jiray, oo wiilkaygii Israa'iil waxaan uga yeedhay dalka Masar.

2. Sidii loogu yeedhay ayay iyagii uga fogaadeen. Waxay allabari u bixiyeen Bacaliim, oo foox bay u shideen sanamyo xardhan.

3. Oo weliba reer Efrayim waan socod baray, oo gacmahaygaan ku xambaaray, laakiinse iyagu ma ay ogayn inaan bogsiiyey iyaga.

4. Waxaan iyaga ku soo jiiday dad xadhkihiis iyo jacayl xidhmihiis, oo waxaan u ahaa sidii kuwa daamankooda harqoodka ka dejiya, oo waxaan hortooda dhigay cunto.

5. Iyagu kuma noqon doonaan dalkii Masar, laakiinse waxaa boqor u noqon doona kii reer Ashuur, maxaa yeelay, iyagu way diideen inay noqdaan.

6. Oo seef baa waxay ku dhici doontaa magaalooyinkooda, oo waxay baabbi'in doontaa qataarradooda, oo way wada dhammayn doontaa iyaga, waana taladooda daraaddeed.

7. Dadkaygii waxay ku tashadeen inay dib iga noqdaan. In kastoo iyaga loogu yeedhay Kan ugu sarreeya, innaba midnaba isaga ma sarraysiin doono.

8. Reer Efrayimow, sidee baan idiin sii dayn karaa? Dadka Israa'iilow, sidee baan idiin gacangelin karaa? Sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Admaah? Oo sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Seboyim? Qalbigaygii wuu igu dhex rogmadaa oo naxariis buu la dhaqaaqaa.

9. Anigu soo dayn maayo kulaylka cadhadayda, oo u soo noqon maayo inaan reer Efrayim baabbi'iyo, waayo, waxaan ahay Ilaah, oo qof aadmi ah ma ihi. Anigu dhexdiinna waxaan ku ahay Kan Quduuska ah, oo magaalada cadho la geli maayo.

10. Iyagu waxay daba geli doonaan Rabbiga oo sidii libaax buu u ciyi doonaa, Markuu ciyo ilmihiisu xagga galbeed bay ka iman doonaan iyagoo gariiraya.

11. Waxay iyagoo gariiraya u iman doonaan sidii shimbir Masar ka soo baxday, iyo sidii qoolley ka soo baxday dalka Ashuur, oo anigu waxaan iyaga ka dhigi doonaa inay guryahooda iska degganaadaan, ayaa Rabbigu leeyahay.