Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Hoosheeca 10:11-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Oo reer Efrayim waa sidii qaalin lo'aad oo la tababbaray, taasoo jecel inay hadhuudhka ku tumato, laakiinse anigu waan u tudhay surkeedii qurxoonaa. Reer Efrayim waxaan korkooda saari doonaa mid iyaga fuula. Dadka Yahuudah dhulkay jeexi doonaan, reer Yacquubna waxay burburin doonaan ciidda qallalan.

12. Nafsaddiinna xaqnimo wax ugu beerta, oo si naxariista waafaqsan wax u goosta, oo jabsada dhulkiinna jeexan, waayo, waa wakhti ku habboon in Rabbiga la doondoona, ilaa uu yimaado oo uu xaqnimo idinku soo dejiyo.

13. Waxaad falateen sharnimo, waxaad soo goosateen xumaan, oo waxaad cunteen midhihii beenta, waayo, waxaad isku hallayseen jidkiinna iyo raggiinna tirada iyo xoogga badan.

14. Haddaba sidaas daraaddeed buuq baa dadkiinna ka dhex kici doona, oo qalcadihiinna oo dhanna waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii Shalman Beytarbeel maalintii dagaalka u baabbi'iyey oo kale. Hooyada iyo carruurteediiba ayaa dhulka lagu tuuray.

15. Sidaas oo kalaa Beytel laydinkaga samayn doonaa, waana sharnimadiinna weyn daraaddeed. Markii waagu beryo ayaa boqorka dalka Israa'iil dhammaantiis la baabbi'in doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Hoosheeca 10