Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Gabaygii Sulaymaan 5:8-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.

9. Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Taada naagaha ugu qurxoonay? Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Waadigaa sidan noo dhaarinayee?

10. Gacaliyahaygu waa cad yahay oo waa casaan. Waana kan toban kun ugu wanaagsan.

11. Madaxiisu waa sida dahab saafi ah, Oo timihiisuna waa sida cawbaar, oo waxay u madow yihiin sida tuke oo kale.

12. Indhihiisu waa sida indho qoolley oo durdur biya ah ag joogta, Oo caano lagu maydhay oo si qumman loo dhigay.

akhri dhamaystiran cutubka Gabaygii Sulaymaan 5