Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Gabaygii Sulaymaan 5:13-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Dhabannadiisu waa sida beer dhir udgoon ah iyo sida ubaxyo carfa. Oo bushimihiisuna waa sida ubaxshooshanno uu malmal ka tiftifqayo.

14. Gacmihiisu waa sida kaatummo dahab ah oo berullos lagu dhejiyey, Oo jidhkiisuna waa sida foolmaroodi oo dhalaalaya oo safayr lagu sharraxay.

15. Lugihiisu waa sida tiirar marmar ah, oo lagu qotomiyey saldhigyo dahab saafiya ah, Oo muuqashadiisuna waa sida Buur Lubnaan oo kale, oo wuxuu u qurxoon yahay sida geedaha kedarka oo kale.

16. Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.

akhri dhamaystiran cutubka Gabaygii Sulaymaan 5