Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Gabaygii Sulaymaan 4:2-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Ilkahaaguna waa sida laxo loo xiiray, Oo ka soo baxay meeshii lagu soo maydhay, Oo middood kastaaba mataano dhashay, Oo aan dhexdooda lagu arag mid dhicisay.

3. Bushimahaagu waa sida dun guduudan, Oo afkaaguna waa qurxoon yahay, Oo dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.

4. Qoortaaduna waa sida munaaraddii Daa'uud oo loo dhisay inay ahaato meel hubka dagaalka la dhigto, Oo ay sudhan yihiin kun gaashaan, Oo ah gaashaammadii ragga xoogga badan oo dhan.

5. Oo labadaada naasna waa sida laba gibin oo mataano ah oo cawl dhashay. Oo ubaxshooshannada dhexdooda daaqaya.

6. Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o, Waxaan u kici doonaa buurta malmalka, Iyo kurta fooxa.

akhri dhamaystiran cutubka Gabaygii Sulaymaan 4