Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Esteer 9:24-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. maxaa yeelay, Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, oo Yuhuudda oo dhan cadowgooda ahaa, xeelad buu ku sameeyey Yuhuudda inuu iyaga baabbi'iyo, oo wuxuu riday saami Fuur la odhan jiray, si uu u laayo oo uu u baabbi'iyo.

25. Laakiinse markuu xaalkaasu boqorka hortiisa yimid, wuxuu amray oo warqado ku qoray in xeeladdiisii uu Yuhuudda ku sameeyey ay madaxiisa ku soo noqoto, iyo in isaga iyo wiilashiisiiba lagu deldelo meesha deldelaadda.

26. Haddaba sidaas daraaddeed maalmahaas waxay u bixiyeen FUURIIM, oo waxay ugu yeedheen saamigii magiciisii FUUR la odhan jiray. Saas aawadeed warqaddan erayadeedii oo dhan, iyo wixii xaalkan ku saabsanaa oo ay arkeen, iyo wixii iyaga u yimid,

27. Yuhuuddu waxay amreen oo dul saareen iyaga iyo farcankooda, iyo in alla intii iyaga ku darmatay, inaanay ka baaqan, inay labadaas maalmood u dhawraan sannad kasta sida waafaqsan waxa laga qoray, iyo goor waafaqsan xilligii la yidhi;

28. iyo in qarni kastaa, iyo qolo kastaa, iyo dal kastaa, iyo magaalo kastaaba ay maalmahaas xusuustaan oo dhawraan, iyo in maalmahaas FUURIIM la yidhaahdo aanay Yuhuuddu ka baaqan, oo aanay xusuustooduna xataa farcankooda dambe ka baabbi'in.

29. Markaasaa Boqorad Esteer oo ahayd ina Abiixayil, iyo Yuhuudigii Mordekay ahaa waxay amar buuxa ku qoreen, si ay u adkeeyaan warqaddan labaad oo ku saabsan FUURIIM.

30. Oo waxaa warqado loo diray kulli Yuhuuddii joogtay boqol iyo toddoba iyo labaatankii gobol oo boqortooyadii Ahashwerus, oo waxaa loogu dhawaaqay hadal nabaadiino iyo run ah,

31. si loo adkeeyo maalmahaas FUURIIM la yidhaahdo wakhtigooda, sidii ay u amreen Yuhuudigii Mordekay iyo Boqorad Esteer, iyo sidii ay iyagu nafsaddooda iyo farcankooda ugu amreen xaalkii soonka iyo qayladoodii.

32. Oo Esteer amarkeediina wuxuu sii adkeeyey xaalkan ku saabsan FUURIIM; oo buug baa lagu qoray.

akhri dhamaystiran cutubka Esteer 9