Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Daanyeel 12:7-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Oo waxaan maqlay ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, markuu gacantiisii midig iyo gacantiisii bidix samada u taagay oo ku dhaartay kan weligiis nool inay noqon doonto wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis; oo markay dhammeeyaan jejebinta xoogga dadka quduuska ah ayaa waxyaalahan oo dhammu dhammaan doonaan.

8. Oo anigu waan maqlay, mase garanin, markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waxyaalahan dhammaadkoodu muxuu ahaan doonaa?

9. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, iska tag, waayo, erayadii waa la xidhay oo la shaabadeeyey ilaa wakhtiga ugu dambaysta.

10. Qaar badan baa isdaahirin doona, oo iscaddayn doona, waana la tijaabin doonaa; laakiinse kuwa sharka ahu sharnimay samayn doonaan; oo inta sharka ah midkoodna wax ma garan doono, laakiinse kuwa xigmadda leh ayaa wax garan doona.

11. Oo wakhtiga qurbaanka joogtada ah la qaadi doono, ilaa la taagi doono waxa baas oo wax baabbi'iya, waxaa jiri doona kun iyo laba boqol iyo sagaashan maalmood.

12. Waxaa barakaysan ka suga ee gaadha kunka iyo saddexda boqol iyo shan iyo soddonka maalmood.

13. Laakiinse iska tag ilaa wakhtiga ugu dambaystu ahaado, waayo, waad nasan doontaa, maalmaha dabaadigoodana qaybtaadaad isu taagi doontaa.

akhri dhamaystiran cutubka Daanyeel 12