Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Daanyeel 11:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Daariyus oo reer Maaday ahaa, sannaddiisii kowaad ayaan u istaagay inaan caawiyo oo xoogaysiiyo isaga.

2. Oo haatan runtaan kuu sheegayaa, Bal ogow, weliba saddex boqor baa Faaris ka kici doonee, kan afraadna kulligood waa ka wada maal badnaan doonaa, oo markuu maalkiisa aad ugu xoogaysto, ayuu dhammaan boqortooyada Gariigta ku kicin doonaa.

3. Oo waxaa kici doona boqor xoog badan, oo talo weyn ku talin doona, hadba siduu doonayana yeeli doonaa.

4. Oo markuu kaco, ayaa boqortooyadiisu jabi doontaa, waxaana loo kala qaybin doonaa afarta jaho oo samada, laakiin farcankiisa iyo sida dowladnimadiisu ahayd toona looma qaybin doono, waayo, boqortooyadiisa waa la rujin doonaa, oo waxaa yeelan doona kuwo kale oo aan kuwan ahayn.

5. Oo boqorka koonfureed ayaa xoog yeelan doona, oo mid amiirradiisa ka mid ah ayaa ka sii xoog badnaan doona, wuxuuna yeelan doonaa dowladnimo, oo dowladnimadiisuna waxay noqon doontaa dowladnimo weyn.

6. Sannado dabadoodna way isku darsami doonaan kulligood, oo boqorka koonfureed gabadhiisa ayaa u iman doonta boqorka woqooyi inay heshiis la dhigato; laakiinse gacanteedu xoog ma sii yeelan doonto; isaga iyo gacantiisuna sii ma taagnaan doonaan, laakiinse waa la sii dayn doonaa iyada, iyo kuwii keenay, iyo kii dhalay, iyo kii waayahaas iyada xoogayn jirayba.

7. Laakiinse biqil ka baxay jiriddii ay ka soo farcantay ayaa meeshiisa istaagi doona oo u iman doona ciidanka, oo wuxuu soo geli doonaa boqorka woqooyi qalcaddiisa, wuuna ka gees ahaan doonaa iyaga, kolkaasuu ka adkaan doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Daanyeel 11