Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Daanyeel 1:11-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Markaasaa Daanyeel ku yidhi wakiilkii, amiirka bohommadu ka dhigay inuu u taliyo Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah,

12. Waan ku baryayaaye, intii toban maalmood ah na tijaabi annagoo addoommadaada ah, oo ha nala siiyo atar aan cunno iyo biyo aan cabnoba.

13. Dabadeedna wejiyadayada hortaada ha lagu fiiriyo iyo wejiga dhallinyarada boqorka cuntadiisa cunta; oo markaas annagoo ah addoommadaada sidii aad nagu aragtid noola macaamilo.

14. Sidaasuu uga dhegaystay xaaladdaas, oo intii toban maalmood ah ayuu tijaabiyey.

15. Markay tobankii maalmood dhammaadeen, way ka weji qurxoonaayeen, wayna ka buurbuurnaayeen dhallinyaradii cuntada boqorka wax ka cuni jirtay oo dhan.

16. Sidaas daraaddeed wakiilkii waa ka qaaday cuntadoodii iyo khamrigii ay cabbi jireen, oo wuxuu siiyey atar.

17. Haddaba afartaas nin oo dhallinyarada ahaa Ilaah wuxuu siiyey aqoon, iyo inay tacliin iyo xigmad oo dhan ku dheeraadaan; Daanyeelna wuxuu garan jiray waxyaalo la tuso iyo riyooyin oo dhan.

18. Oo markii wakhtigii boqorku yidhi, Ha la ii keeno, dhammaaday ayuu amiirkii bohommadu keenay iyagii Nebukadnesar hortiisa.

19. Boqorkiina markaasuu la hadlay iyagii, oo kulligoodna lagama helin mid la mid ah Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah; sidaas daraaddeed boqorkii bay is-hor taageen.

20. Waxyaalihii boqorku weyddiiyey oo ku saabsan xigmadda iyo waxgarashada, wuxuu ogaaday inay toban jeer kaga fiican yihiin saaxiriintii iyo xiddigiyayaashii boqortooyadiisa joogay oo dhan.

21. Daanyeelna waa sii joogay tan iyo boqorkii Kuuros sannaddiisii kowaad.

akhri dhamaystiran cutubka Daanyeel 1