Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cobadyaah 1:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kuwanu waa wixii la tusay Cobadyaah. Sayidka Rabbiga ahu sidan buu dalka Edom ka leeyahay: Annagu Rabbiga xaggiisa ayaannu war ka maqalnay, oo farriinwade ayaa quruumaha dhexdooda loo soo diray, isagoo leh, War kaca, oo kaalaya aan dadka Edom dagaal ugu kacnee.

2. Bal eega, quruumaha dhexdooda waan idinku yareeyey, oo si weyn baa laydiin quudhsaday.

3. Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?

4. In kastood meel kore fuushaan sida gorgorka, iyo in kastoo buulkiinna laga dhiso xiddigaha dhexdooda, halkaas waan idinka soo dejin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

5. Haddii tuugag idiin soo dhici lahaayeen ama haddii shufto habeennimo idin miri lahayd, sow wax idinkama xadi lahayn jeeray wax ku filan la tagaan? (Sidee baad u ba'deen!) Haddii kuwa canabka gura idiin iman lahaayeen, sow kama tegi lahayn canab xaaxaab ah?

6. Sidee baa loo dhacay alaabtii reer Ceesaw! Oo khasnadihiisii qarsoonaa sidee baa loo baadhay!

7. Kulli dadkii aad axdiga la lahaan jirteen oo dhammu waxay idinku celiyeen tan iyo soohdinta, oo dadkii nabadda idinla lahaan jiray ayaa idin khiyaanay, wayna idinka adkaadeen, oo kuwii kibistiina cuni jiray ayaa dabin idiin dhigay, oo innaba waxgarasho ma leh.

akhri dhamaystiran cutubka Cobadyaah 1