Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cesraa 8:17-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Oo waxaan iyagii u diray Iddo oo madax ka ahaa meesha Kaasifiyaa la yidhaahdo; oo waxaan iyagii u sheegay wixii ay ku odhan lahaayeen Iddo iyo walaalihiis oo reer Netiiniim ah oo jooga meesha la yidhaahdo Kaasifiyaa, inay noo keenaan midiidinno ka dhex adeega guriga Ilaahayaga.

18. Oo sidii ay gacanta wanaagsan oo Ilaahayagu noo saarnayd, waxay noo keeneen nin waxgarad ah oo ah reer Maxlii, oo ka ah reer Laawi, oo ka sii ah reer binu Israa'iil, iyo Sheereebyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis oo siddeed iyo toban isku ahaa,

19. iyo Xashabyaah, iyo Yeshacyaah oo ahaa reer Meraarii, iyo walaalihiis iyo wiilashoodii oo labaatan isku ahaa,

20. iyo reer Netiiniim oo ay Daa'uud iyo amiirradiisii u dhiibeen adeegiddii reer Laawi oo laba boqol iyo labaatan ahaa, oo dhammaantoodna ninba magiciisii baa loogu yeedhi jiray.

21. Oo markaasaan, intii aannu joognay Webi Ahawaa, halkaas kaga dhawaaqay in la soomo, inaannu isku hoosaysiinno Ilaahayaga hortiisa, inaannu ka barinno jid toosan oo annaga iyo dhallaankayaga iyo xoolahayaga oo dhammuba aannu marno.

22. Waayo, waxaan ka xishooday inaan boqorka weyddiisto koox askar iyo fardooley ah inay naga caawiyaan cadowga jidka noo jooga, maxaa yeelay, boqorka baannu la hadallay oo ku nidhi, Gacanta Ilaahayagu waxay saaran tahay intii isaga doondoonta oo dhan, wayna u wanaagsan tahay; laakiinse xooggiisa iyo cadhadiisu waxay ka gees yihiin in alla intii isaga ka tagta oo dhan.

23. Sidaas daraaddeed waannu soonnay, oo waxaannu ka barinnay Ilaahayo wax taas ku saabsan, wuuna naga aqbalay.

24. Markaasaan gooni u soocay laba iyo toban nin oo wadaaddada madaxdoodii ah, oo waxay ahaayeen Sheereebyaah iyo Xashabyaah, iyo toban iyaga la jiray oo walaalahood ah,

akhri dhamaystiran cutubka Cesraa 8