Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cesraa 8:11-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Wiilashii Beebayna waxaa ka socday Sekaryaah oo ahaa ina Beebay, oo waxaa isaga la jiray siddeed iyo labaatan nin.

12. Wiilashii Casgaadna waxaa ka socday Yooxaanaan oo ahaa ina Haqaataan, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo toban nin.

13. Wiilashii Adoniiqaam oo ugu wada dambeeyeyna waxaa ka socday saddex nin, oo waa kuwan saddexdoodii magac, Eliifeled, iyo Yecuu'eel, iyo Shemacyaah, oo waxaa iyaga la jiray lixdan nin.

14. Wiilashii Bigwayna waxaa ka socday Cuutay iyo Sabbuud, oo waxaa iyaga la jiray toddobaatan nin.

15. Oo iyaga waxaan ku soo wada ururiyey webiga u socda xagga Ahawaa, oo halkaasaannu degganayn saddex maalmood; markaasaan dadkii iyo wadaaddadii u fiirsaday, oo halkaasna kama aan helin mid reer Laawi ah.

16. Oo markaasaan u cid diray Eliiceser, iyo Arii'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elnaataan, iyo Yaariib, iyo Elnaataan, iyo Naataan, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam, oo wada ahaa rag madax ah, iyo weliba Yooyaariib iyo Elnaataan, oo iyana ahaa macallimiin.

17. Oo waxaan iyagii u diray Iddo oo madax ka ahaa meesha Kaasifiyaa la yidhaahdo; oo waxaan iyagii u sheegay wixii ay ku odhan lahaayeen Iddo iyo walaalihiis oo reer Netiiniim ah oo jooga meesha la yidhaahdo Kaasifiyaa, inay noo keenaan midiidinno ka dhex adeega guriga Ilaahayaga.

akhri dhamaystiran cutubka Cesraa 8