Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Cesraa 2:57-65 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

57. iyo reer Shefatyaah, iyo reer Xatiil, iyo reer Fokered Hasebaayiim iyo reer Aamii.

58. Reer Netiiniim oo dhan iyo ilmihii addoommadii Sulaymaan waxay isku ahaayeen saddex boqol iyo laba iyo sagaashan.

59. Oo kuwanuna waxay ahaayeen kuwii ka tegey Teel Melax, iyo Teel Xarshaa, iyo Keruub, iyo Addaan, iyo Immeer, laakiinse iyagu ma ay sheegi karin qabiilkoodii iyo jilibkoodii, iyo inay reer binu Israa'iil ahaayeen iyo in kale toona,

60. oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo konton.

61. Oo kuwii wadaaddada ahaa, waxay ahaayeen reer Xabayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Barsillay oo ahaa reer Gilecaad, oo iyaga lagu magacaabay.

62. Kuwanu magacyadoodii waxay ka doondooneen buuggii abtiriska, laakiinse lagama helin, sidaas aawadeed wadaadnimadii waa laga saaray sidii iyagoo nijaas ah.

63. Oo taliyihii baa iyagii ku amray inayan waxyaalaha quduuska ah wax ka cunin jeer wadaad Uuriim iyo Tummiim leh kaco.

64. Oo ururka oo dhammu wuxuu giddigiis isku ahaa laba iyo afartan kun iyo saddex boqol iyo lixdan,

65. oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol oo ah rag iyo naago gabya.

akhri dhamaystiran cutubka Cesraa 2