Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Caamoos 5:1-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Dadka Israa'iilow, maqla eraygan aan idiinku barooranayo.

2. Bikradda ah dalka Israa'iil waa dhacday, oo mar dambena ma sara joogsan doonto. Dalkeedii ayaa lagu dayriyey, oo qof kor u qaada lama arko.

3. Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Magaaladii ay kuni ka bixi jireen boqol baa u hadhi doona, oo tii ay boqoli ka bixi jireenna toban baa dadka Israa'iil u hadhi doona.

4. Waayo, Rabbigu wuxuu dadka Israa'iil ku leeyahay, Aniga i doondoona aad noolaataane.

5. Laakiinse Beytel ha doondoonina, Gilgaalna ha gelina, Bi'ir Shebacna ha u gudbina, waayo, sida xaqiiqada ah Gilgaal maxaabiisnimo bay geli doontaa, oo Beytelna way baabbi'i doontaa.

6. Si aad u noolaataan, oo uusan Rabbigu sidii dab reer Yuusuf ugu soo farabbaxsan, oo aan dabku laasan, oo aan Beytel laga waayin wax demiya, Rabbiga doondoona,

7. kuwiinna caddaaladda u roga dacar oo xaqnimadana dhulka ku tuura.

8. Doondoona kan sameeyey ururrada xiddigaha ah oo la yidhaahdo Toddobaadyada iyo Oriyon, oo gudcurka subaxnimo u beddela, oo maalintana madoobeeya si ay habeen u noqoto, kan biyaha badda u yeedha oo dhulka ku daadiya, magiciisu waa Rabbi.

9. Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.

10. Way neceb yihiin kii iridda wax ku canaanta, oo way karhaan kii si qumman u hadla.

11. Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.

12. Waayo, waan ogahay xadgudubyadiinnu inay badan yihiin, iyo dembiyadiinnu inay waaweyn yihiin, kuwiinnan kii xaqa ah dhiba, ee laaluush qaata, oo masaakiinta iridda joogtana xaqooda ka leexiya.

akhri dhamaystiran cutubka Caamoos 5