Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 3:12-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Markaasaa Yehooshaafaad wuxuu yidhi, Isaga Eraygii Rabbigaa la jira. Kolkaasay boqorkii dalka Israa'iil, iyo Yehooshaafaad, iyo boqorkii Edomba isagii u tageen.

13. Markaasaa Eliishaa wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya? Nebiyadii aabbahaa iyo nebiyadii hooyadaa u tag. Oo boqorkii dalka Israa'iilna wuxuu ku yidhi, Maya, waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.

14. Oo Eliishaana wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga ciidammada oo aan hor taagnahay noloshiisa ee hubaal haddii aanan xurmaynayn horjoogidda Yehooshaafaad oo ah boqorka dalka Yahuudah, xaggaaga ma aanan fiiriyeen kuna arkeen.

15. Haddaba waxaad ii keentaan nin kataarad wada. Oo markii ninkii kataaraddii ka dhawaajiyey ayaa gacantii Rabbigu ku soo degtay isagii.

16. Oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dooxadan boholo miidhan ka dhiga.

17. Waayo, waxaa Rabbigu leeyahay, Dabayl ma arki doontaan, roobna ma arki doontaan, laakiin dooxadaas waxaa ka buuxsami doona biyo, oo idinna waad cabbi doontaan idinka, iyo lo'diinna, iyo xoolihiinnuba.

18. Oo taasu Rabbiga hortiisa waa ku fudud dahay; oo weliba isagu reer Moo'aabna gacantiinnuu soo gelin doonaa.

19. Oo waa inaad dumisaan magaalo kasta oo deyr leh, iyo magaalo kasta oo la doortay, oo geed kasta oo wanaagsan waa inaad jartaan, oo waxaad xidhaan ilo walba oo biyo ah, oo waxaad dhul kasta oo wanaagsan ku hallaysaan dhagaxyo.

20. Oo subaxdii dambe markii allabariga la bixin jiray goor ku dhow ayaa biyo ka yimaadeen xagga Edom, oo waddankiina biyaa ka buuxsamay.

21. Haddaba markay reer Moo'aab maqleen in boqorradii ay yimaadeen inay la dagaallamaan ayaa waxaa is-urursaday dhammaan kuwii hub qaadi karay iyo kuwii ka weynaa, oo waxay istaageen soohdinta.

22. Oo iyana waxay kaceen aroor hore, oo qorraxdiina biyihii bay dhalaalisay, oo reer Moo'aabna waxay arkeen biyihii hortooda ka muuqday oo guduudan sida dhiig oo kale.

23. Markaasay yidhaahdeen, War waxanu waa dhiig, hubaal boqorradii waa islaayeen oo nin waluba saaxiibkiis buu dilay; haddaba, reer Moo'aabow, xagga dhaca u kaca.

24. Oo markay yimaadeen xeradii dadka Israa'iil ayaa dadka Israa'iil ku kaceen oo laayeen reer Moo'aab; iyana way ka carareen hortooda, oo dadka Israa'iilna dhulkii bay hore u galeen iyagoo reer Moo'aab laynaya.

25. Oo magaalooyinkii way burburiyeen, oo dhul kasta oo fiicanna nin waluba dhagaxiisii buu ku tuuray, oo way buuxiyeen; oo ilihii biyaha ahaa oo dhanna way wada xidheen, oo geedihii wanaagsanaa oo dhanna way wada jareen, ilaa ay Qiir Xaresed oo keliya dhagxanteedii u daayeen, habase yeeshee wadhafleydii ayaa isku wareejisay oo ku dhufatay.

26. Oo boqorkii reer Moo'aab markuu arkay in dagaalku ku kulul yahay ayuu kaxaystay toddoba boqol oo nin ee seefqaad wada ah si uu ugu gudbo xagga boqorka Edom, laakiinse way kari waayeen.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 3