Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 15:5-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Oo boqorkiina Rabbigaa wax ku dhuftay, haddaba tan iyo maalintii uu dhintay wuxuu ahaa barasle, oo guri gaar ah buu degay. Oo Yootam oo ahaa ina boqor ayaa reerka u talin jiray, isagoo dadkii dalka degganaa u gar qaybinaya.

6. Haddaba Casaryaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

7. Markaasaa Casaryaah dhintay oo la seexday awowayaashiis; oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yootam.

8. Oo Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Sekaryaah ina Yaaraabcaam dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa intii lix bilood ah.

9. Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, siday awowayaashiis yeeli jireen oo kale; oo kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey.

10. Oo waxaa isagii shirqoolay Shalluum ina Yaabeesh, oo wax buu ku dhuftay dadka hortiisii, wuuna dilay, markaasuu meeshiisiina boqor ka noqday.

11. Haddaba Sekaryaah falimihiisii kale waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

12. Kanu wuxuu ahaa eraygii Rabbigu kula hadlay Yeehuu, ee uu ku yidhi, Farcankaaga qarniga afraad ah ayaa ku fadhiisan doona carshiga dalka Israa'iil. Oo saasay noqotay.

13. Oo Shalluum ina Yaabeesh wuxuu boqor noqday Cusiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaal iyo soddonaad, oo muddo bil ah ayuu Samaariya boqor ku ahaa.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 15