Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 14:8-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Markaasaa Amasyaah wargeeyayaal u diray Yehoo'aash oo ahaa ina Yehoo'aaxaas ina Yeehuu oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Car kaalay aynu iska hor nimaadnee.

9. Kolkaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil u cid diray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Yamaaruggii Lubnaan ku yiil wuxuu u cid diray geedkii kedarka ah oo Lubnaan ku yiil, oo wuxuu ku yidhi, Gabadhaada sii wiilkaygu ha guursadee; oo waxaa halkaas soo maray bahal Lubnaan joogay, markaasuu yamaaruggii ku joogsaday.

10. Hubaal reer Edom baad laysay, waanad isla weynaatay, haddaba faan oo dalkaaga iska joog, waayo, bal maxaad belaayo isugu soo jiidaysaa oo aad adiga iyo dadka Yahuudahba u wada dhacaysaan?

11. Laakiinse Amasyaah taas wuu maqli waayay. Markaasuu Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay.

12. Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 14