Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 14:10-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Hubaal reer Edom baad laysay, waanad isla weynaatay, haddaba faan oo dalkaaga iska joog, waayo, bal maxaad belaayo isugu soo jiidaysaa oo aad adiga iyo dadka Yahuudahba u wada dhacaysaan?

11. Laakiinse Amasyaah taas wuu maqli waayay. Markaasuu Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay.

12. Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

13. Oo Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah kaasoo ahaa ina Yehoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun.

14. Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan iyo weelashii laga helay guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.

15. Haddaba Yehoo'aash falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii, iyo siduu ula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 14