Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 12:5-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. wadaaddada nin waluba ha ka qaado kii uu yaqaan, oo ha ku dhiso meelaha guriga ka jajaban meel kasta oo meel jaban laga heloba.

6. Laakiinse sannaddii saddex iyo labaatanaad oo Yehoo'aash wadaaddadii weli ma ay dhisin guriga meelihiisii jajabnaa.

7. Markaasaa Boqor Yehoo'aash wuxuu u yeedhay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, iyo wadaaddadii kaleba, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad guriga meelihiisa jajaban u dhisi weydeen? Haddaba lacag dambe ha ka qaadanina dadka aad taqaaniin, laakiinse meelaha jajaban ee guriga aawadood ku bixiya.

8. Oo wadaaddadiina waxay oggolaadeen inayan dadka lacag dambe ka qaadin, oo guriga meelihiisa jajabanna ayan dhisin.

9. Laakiinse wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ayaa intuu sanduuq qaaday daboolka ka dalooliyey oo wuxuu ag qotomiyey meeshii allabariga xagga midigta markii guriga Rabbiga la soo gelayo; oo wadaaddadii albaabka dhawri jiray ayaa ku riday lacagtii guriga Rabbiga la keenay oo dhan.

10. Oo markay arkeen in lacag badanu sanduuqii ku jirto ayaa waxaa yimid karraanigii boqorka iyo wadaadkii sare, oo kiishash bay ku gureen markay tiriyeen lacagtii laga helay gurigii Rabbiga.

11. Oo lacagtii la miisaamay ayay u dhiibeen kuwii shuqulka sameeyey, kuwaas oo guriga Rabbiga u talin jiray; oo waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii ka shaqeeyey gurigii Rabbiga,

12. iyo wastaadyadii, iyo kuwii dhagaxyada qori jiray, waxayna u bixiyeen in lagu iibiyo alwaax iyo dhagaxyo la qoray si loogu dhiso meelihii guriga Rabbiga ka jajabnaa, iyo wax kasta oo loo bixiyey in guriga lagu dhiso.

13. Laakiinse lacagtii guriga Rabbiga la soo geliyey guriga Rabbiga looguma samayn koobab lacag ah, iyo alaab laambado lagu safeeyo, iyo maddiibado, iyo turumbooyin, iyo innaba weelal dahab ah amase weelal lacag ah,

14. waayo, waxay lacagtii siiyeen kuwii shuqulka sameeyey, oo waxay ku dhiseen gurigii Rabbiga.

15. Oo weliba lama ay xisaabtamin raggii ay lacagta u dhiibeen inay iyagu siiyaan nimankii shuqulka sameeyey, maxaa yeelay, waxay ku shaqeeyeen aaminnimo.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 12