Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Labaad 12:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo Yehoo'aash wuxuu boqor noqday sannaddii toddobaad oo Yeehuu; oo afartan sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Sibyaah tii reer Bi'ir Shebac.

2. Oo Yehoo'aashna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa wakhtigii uu wadaadkii Yehooyaadaac isaga baray oo dhan.

3. Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna meelihii sarsare weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen.

4. Oo Yehoo'aash wuxuu ku yidhi wadaaddadii, Alaabta quduuska laga dhigay ee guriga Rabbiga la keenay lacagteeda oo dhan, taas oo ah lacagta nin waluba bixiyey markuu u gudbay kuwa la tiriyo, iyo lacagta kuwii lagu qiimeeyey, iyo lacagta nin kastaba qalbigiisa ka damcay inuu guriga Rabbiga keeno,

5. wadaaddada nin waluba ha ka qaado kii uu yaqaan, oo ha ku dhiso meelaha guriga ka jajaban meel kasta oo meel jaban laga heloba.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Labaad 12