Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Kowaad 9:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo Sulaymaan markuu dhammeeyey dhismihii guriga Rabbiga, iyo gurigii boqorka, iyo kulli wixii uu damacsanaa oo uu ku faraxsanaa inuu sameeyo oo dhan,

2. ayaa Rabbigu Sulaymaan mar labaad u muuqday, siduu markii hore Gibecoon ugu muuqday oo kale.

3. Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waan maqlay tukashadaadii iyo baryootankaagii aad hortayda ku samaysay; oo quduus baan ka dhigay gurigan aad dhistay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguna halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba.

4. Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid qalbi daacad ah iyo qummanaan, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,

5. de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa'iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa'uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista lagaa waayi maayo.

6. Laakiinse idinka ama carruurtiinnu haddaad lasocodkayga ka leexataan oo aydnaan dhawrin amarradayda iyo qaynuunnadayda aan idin hor dhigay, laakiinse aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,

7. de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Kowaad 9