Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Kowaad 8:42-51 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

42. (waayo, waxay maqli doonaan magacaaga weyn, iyo gacantaada xoogga badan, iyo cududdaada fidsan) markuu yimaado oo uu u soo tukado gurigan xaggiisa,

43. de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.

44. Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadowgooda, oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladii aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,

45. de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel.

46. Haddii ay kugu dembaabaan, waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, oo aad u cadhootid, oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan cadowga dalkiisii, ama ha dhowaado ama ha dheeraadee;

47. oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii kuwii maxaabiisahaanta u kaxaystay, ee ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,

48. oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka cadaawayaashoodii maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,

49. markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel;

50. oo cafi dadkaaga kugu dembaabay, oo ka saamax xadgudubyadooda ay kugu xadgudbeen oo dhan; oo kuwii maxaabiis ahaanta u kaxaystay raxmad geli si ay ugu naxariistaan,

51. maxaa yeelay, iyagu waa dadkaagii iyo dhaxalkaagii aad ka soo bixisay dalkii Masar iyo foornadii birta dhexdeeda;

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Kowaad 8