Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Kowaad 17:3-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Halkan ka tag, oo u leexo xagga bari, oo waxaad ku ag dhuumataa durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun.

4. Oo waxaad ka cabbi doontaa durdurka, oo tukayaashana waan ku amray inay halkaas kugu quudiyaan.

5. Sidaas daraaddeed wuu tegey, oo wuxuu yeelay sidii erayga Rabbigu ku yidhi, waayo, wuu tegey oo ag joogi jiray durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun.

6. Oo tukayaasha ayaa subaxdii u keeni jiray kibis iyo hilib, fiidkiina kibis iyo hilib, oo biyona durdurkuu ka cabbi jiray.

7. Oo in yar dabadeed ayaa durdurkii iska engegay, maxaa yeelay, dalku roob ma lahayn.

8. Markaasaa waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

9. Kac oo waxaad tagtaa Sarefta oo ay reer Siidoon leeyihiin, oo halkaas iska deg; oo bal eeg, naag carmal ah oo halkaas joogta waxaan ku amray inay ku quudiso.

10. Sidaas daraaddeed wuu kacay, oo wuxuu tegey Sarefta, oo markuu magaaladii iriddeedii yimid waxaa halkaas joogtay naag carmal ah oo xaabo guranaysa; oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi iyadii, Waan ku baryayaaye, wuxoogaa biyo ah weel iigu keen aan cabbee.

11. Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah.

12. Iyana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee.

13. Markaasaa Eliiyaah ku yidhi iyadii, Ha cabsane tag oo yeel sidaad tidhi, laakiinse marka hore ii soo samee in yar oo kibis ah oo ii keen, dabadeedna u samee adiga iyo wiilkaaga.

14. Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weelka jidhiidha ahu idlaan maayo, kusadda saliidda ahuna idin gabi mayso ilaa maalinta Rabbigu dhulka roob ku soo daayo.

15. Markaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen.

16. Oo weelkii jidhiidha ahaa ma uu idlaan, kusaddii saliidda ahaydna ma ay gabin, oo waxay ahaatay siduu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay Eliiyaah.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Kowaad 17