Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Boqorradii Kowaad 13:4-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo markii boqorkii maqlay hadalkii ninka Ilaah uu ku qayliyey ee ka geesta ahaa meeshii allabariga oo Beytel ku tiil ayuu Yaaraabcaam gacanta ka soo fidiyey meeshii allabariga oo wuxuu yidhi, War ninka qabta. Oo gacantii uu isaga ku fidiyeyna way qallashay, mar dambena wuu soo laabi kari waayay.

5. Oo meeshii allabariguna way kala dillaacday, oo dambaskiina wuu ka soo daatay meeshii allabariga, sidii calaamaddii uu ninka Ilaah bixiyey ee Rabbigu ku amray.

6. Markaasaa boqorkii ugu jawaabay ninkii Ilaah, Haddaba Rabbiga Ilaahaaga ah raallinimo iiga bari, oo ii ducee in gacantaydu ii soo noqoto aawadeed. Markaasaa ninkii Ilaah Rabbiga baryay, oo boqorkiina gacantiisii way u soo noqotay, oo waxay u noqotay sidii ay markii hore ahayd.

7. Dabadeedna boqorkii wuxuu ninkii Ilaah ku yidhi, Kaalay, guriga ii raac, oo isqabooji, oo anna waan kuu abaalgudayaa.

8. Kolkaasaa ninkii Ilaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Xataa haddaad gurigaaga badhkiis i siinayso ku raaci maayo, oo innaba kibisna ku cuni maayo, biyona ka cabbi maayo meeshan;

9. waayo, Erayga Rabbiga ayaa saas igu amray, oo yidhi, Waa inaadan kibis cunin, biyona cabbin, waana inaadan dib u sii qaadin jidkii aad soo martay.

10. Oo sidaas daraaddeed jid kaluu maray, dib umana uu sii qaadin jidkii uu Beytel u soo maray.

11. Waagaas waxaa Beytel degganaa nebi duq ah, oo wiilashiisii midkood baa u yimid oo u soo sheegay kulli shuqulladii ninka Ilaah maalintaas Beytel ku sameeyey; oo erayadii uu boqorka kula hadlayna aabbahood way u soo sheegeen.

12. Markaasaa aabbahood ku yidhi, Jidkee buu qaaday? Oo wiilashiisuna way arkeen jidkii ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid qaaday.

13. Markaasuu wiilashiisii ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Dameerkiina way u kooreeyeen oo isna wuu fuulay.

14. Oo ninkii Ilaah wuu daba galay, oo helay isagoo geed hoos fadhiya; kolkaasuu ku yidhi, War ma waxaad tahay ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ahay.

15. Markaasuu ku yidhi, Kaalay oo gurigaygii ii raac aad kibis soo cuntide.

16. Isna wuxuu yidhi, Kari maayo inaan kula noqdo iyo inaan gurigaaga galo toona. Halkan innaba kibis kugula cuni maayo, biyona kugula cabbi maayo.

17. Waayo, erayga Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waa inaadan meeshaas kibis ku cunin, biyona ka cabbin, jidkii aad soo martayna dib ha u sii qaadin.

18. Isna wuxuu ku yidhi, War anba waxaan ahay nebi kula mid ah, oo malaa'ig baa Eraygii Rabbiga igula hadashay oo igu tidhi, Isaga soo celi oo gurigaaga keen inuu kibis cuno oo biyo cabbo. Laakiinse been buu u sheegay.

19. Sidaas daraaddeed wuu la noqday, oo gurigiisii buu kibis ka cunay, biyona ka cabbay.

20. Markaasaa intay miiska wada fadhiyeen uu eraygii Rabbigu u yimid nebigii soo celiyey.

akhri dhamaystiran cutubka Boqorradii Kowaad 13