Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 8:11-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. qoolleydiina waxay isagii ku soo noqotay fiidkii; oo afkana waxay ku wadatay caleen saytuun oo qoyan; kolkaasuu Nuux ogaaday in biyihii dhulka ka yaraadeen.

12. Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; dabadeedna qoolleydii buu diray; iyadiina mar dambe kuma ay soo noqon.

13. Oo waxaana dhacday sannaddii lix boqol iyo kowaad, bishii kowaad, maalinteedii kowaad, inay biyihii dhulka ka engegeen: Nuuxna daboolkii buu doonnidii ka qaaday, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, dhulka dushiisu way engegnayd.

14. Oo bishii labaad, maalinteedii toddoba iyo labaatanaad, ayaa dhulka engegay.

15. Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,

16. Doonnida ka baxa adiga, iyo naagtaada, iyo wiilashaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.

17. Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.

18. Nuuxna wuu baxay, isagii iyo wiilashiisii, iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisa ee la jirayba.

19. Dugaag kasta, iyo wax kasta oo gurguurta, iyo haad kasta, iyo wax alla wixii dhulka ku dhaqaaqaaba, jinsigoodii ayay doonnidii kala soo baxeen.

20. Nuuxna meel allabari buu Rabbiga u dhisay; xayawaankii daahirka ahaa iyo haaddii daahirka ahaydba, intuu wax ka qaatay, ayuu allabaryo la gubo ku bixiyey meeshii allabariga dusheeda.

21. Rabbiguna wuxuu uriyey caraftii udgoonayd, kolkaasuu Rabbigu iska yidhi qalbigiisa, Mar dambe dadka aawadiis dhulka uma habaari doono, maxaa yeelay, malaha qalbiga dadku waa shar tan iyo yaraantiisa; mar dambena ma aan dili doono wax kasta oo nool sidii aan yeelay.

22. Intuu dhulku jiro, beer abuurid, iyo beer goosasho, iyo qabow iyo kulayl, iyo gu iyo jiilaal, iyo habeen iyo maalin midnaba ma joogsan doono.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 8