Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 7:1-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda.

2. Xoolaha daahirka ah toddoba iyo toddoba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; xoolaha aan daahirka ahaynna laba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis;

3. haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan.

4. Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa.

5. Nuuxna wax kasta sidii Rabbigu ugu amray ayuu u sameeyey.

6. Nuuxna wuxuu jiray lix boqol oo sannadood markii daadka biyuhu dhulka dul joogay.

7. Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka.

8. Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba

9. Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii, lab iyo dhaddig, sidii Ilaah ugu amray Nuux.

10. Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen.

11. Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay.

12. Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen.

13. Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray;

14. iyagii, iyo dugaag kasta caynkiisa, iyo xoolo kasta caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, iyo haad kasta caynkiisa, iyo shimbir kasta oo cayn kasta ah.

15. Wax kasta oo jidh leh oo neefta noloshu ku jirtaba Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 7