Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 49:25-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

25. Oo ah Ilaaha aabbahaa oo ku caawimi doona, Iyo Ilaaha Qaadirka ah, oo kugu barakayn doona Barakooyinka samada sare, Iyo barakooyinka moolka hoos jiifa, Iyo barakooyinka naasaha iyo maxalka.

26. Barakooyinkii aabbahaa Way ka xoog badnaadeen barakooyinkii awowayaashay Ilaa meesha ugu fog oo buuraha weligood waara; Waxay saarnaan doonaan madaxa Yuusuf, Iyo dhakada kan walaalihiis laga soocay.

27. Benyaamiin waa yeey hilib dillaacsada; Oo aroorta wuxuu cuni doonaa wixii uu ugaadhsaday, Fiidkana wuxuu qaybin doonaa wixii uu dhacay.

28. Kuwan oo dhammu waa laba iyo tobankii qabiil oo reer binu Israa'iil; tanuna waa wixii aabbahood kula hadlay oo ugu duceeyey; mid walbana sidii ducadiisu ahayd buu ugu duceeyey.

29. Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed,

30. kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah.

31. Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo afadiisii Saarahba, halkaasaa lagu aasay Isxaaq iyo afadiisii Rebeqahba, oo anna Lee'ah baan ku aasay halkaas

32. oo ah berrinka iyo godka ku dhex yaalba, oo laga iibsaday reer Xeed.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 49