Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 48:3-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Markaasaa Yacquub wuxuu Yuusuf ku yidhi, Ilaaha Qaadirka ah ayaa iigu muuqday Luus oo ku taal dalka Kancaan, wuuna i barakeeyey,

4. oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado.

5. Haddaba labadaadii wiil oo dalka Masar kuugu dhashay, intaanan kuugu iman Masar, anigaa iska leh. Efrayim iyo Manaseh ayaan u lahaan doonaa sida Ruubeen iyo Simecoon.

6. Carruurta aad iyaga ka dib dhasho, adigaa iska lahaan doona, waana in loo bixiyo magacyada walaalahood markay wax dhaxlaan.

7. Anigana, markii aan ka imid Fadan ayaa Raaxeel igaga dhimatay dalkii Kancaan waddada loo maro, intaanan weli Efrad soo gaadhin; oo kolkaasaan iyadii ku aasay waddada loo maro Efrad, meeshaasuna waa Beytlaxam.

8. Markaasaa Israa'iil intuu wiilashii Yuusuf dhugtay ayuu yidhi, Kuwanu waa ayo?

9. Markaasaa Yuusuf wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waa wiilashaydii Ilaah halkan igu siiyey. Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, iyaga ii soo dhowee, waanan u ducaynayaa.

10. Haddaba Israa'iil cimrigiisii dheeraa aawadiis ayuu la indha darnaaday, sidaas daraaddeed waxba ma uu arki karin. Kolkaasuu iyagii u soo dhoweeyey, wuuna isku duubay oo dhunkaday.

11. Markaasaa Israa'iil wuxuu Yuusuf ku yidhi, Uma aan malaynayn inaan wejigaaga arki doono, oo bal eeg, Ilaah weliba wuxuu i tusay xataa farcankaagii.

12. Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ka durkiyey lowyihiisii; oo intuu sujuuday ayuu wejigiisii dhulka saaray.

13. Markaasuu Yuusuf labadoodiiba kaxeeyey, intuu Efrayim gacantiisii midigta ahayd ku qabtay oo ku toosan Israa'iil bidixdiisa, Manasehna ku qabtay bidixdiisii oo ku toosan midigtii Israa'iil, wuuna u soo dhoweeyey iyagii.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 48