Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 47:14-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen; Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon.

15. Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay.

16. Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi, Haddii lacagtii idinka dhammaatay, xoolihiinna keena, oo anna xoolihiinna ayaan cunto idinka siin doonaa.

17. Markaasay xoolahoodii Yuusuf u keeneen, Yuusufna wuxuu iyagii cunto ugu beddelay fardihii, iyo adhigii, iyo lo'dii iyo dameerradii; oo sannaddaas ayuu quudiyey oo xoolahoodii oo dhan cunto ugu beddelay.

18. Oo markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane.

19. De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in.

20. Yuusufna dhulkii Masar oo dhan Fircoon buu u iibiyey, waayo, Masriyiintii nin waluba wuxuu iibiyey beertiisii, maxaa yeelay, abaartaa ku xumayd iyaga; dhulkiina waxaa yeeshay Fircoon.

21. Dadkiina wuxuu u wareejiyey magaalooyinka dhulka Masar darafkiisa ilaa darafka kale.

22. Wuxuusan iibsan dhulkii wadaaddada oo keliya, waayo, wadaaddadu qayb bay ku lahaan jireen Fircoon, oo waxay cuni jireen qaybtii Fircoon siin jiray, oo sidaas daraaddeed ma ay iibsan dhulkoodii.

23. Markaasaa Yuusuf wuxuu dadkii ku yidhi, Bal eega, maantaan Fircoon idiin iibiyey idinka iyo dhulkiinnaba; haddaba abuurkan qaata oo dhulka ku beera.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 47