Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 46:25-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

25. Kuwanuna waa wiilashii Bilhah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Raaxeel, oo intaasay Yacquub u dhashay; kulligoodna waxay ahaayeen toddoba.

26. Intii Yacquub Masar la timid, oo xanjaadkiisa ka soo baxday, haddaan lagu darin wiilashii Yacquub naagahooda, kulligood waxay ahaayeen lix iyo lixdan.

27. Wiilashii Yuusuf Masar ugu dhashayna waxay ahaayeen laba. Reerkii Yacquub dadkiisii Masar yimid oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan.

28. Markaasuu wuxuu iska hor mariyey Yahuudah inuu Yuusuf u tago, si uu u tuso jidka loo maro Goshen; oo waxay yimaadeen dalkii Goshen.

29. Yuusufna wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo aabbihiis Israa'iil ayuu kaga hor tegey Goshen; oo markuu isagii arkay ayuu qoortiisii dhab yidhi, qoortiisana wuxuu ku dul ooyay wakhti dheer.

30. Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Haddaba aan iska dhinto, mar haddaan arkay wejigaaga, oo aad weli nooshahay.

31. Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid.

32. Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan.

33. Markii Fircoon idiin yeedho, oo idinku yidhaahdo, Shuqulkiinnu waa maxay?

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 46