Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 43:31-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

31. Kolkaasuu intuu fooldhaqday soo baxay; oo intuu adkaystay ayuu wuxuu yidhi, Cunto noo soo dhiga.

32. Markaasay isagii gooni ahaantiis ugu dhigeen, iyagiina gooni ahaantood, Masriyiintii isaga la cuntayna gooni ahaantood; maxaa yeelay, Masriyiintu lama ay cuni karin Cibraaniyada, waayo, taasu Masriyiinta karaahiyo bay u ahayd.

33. Oo waxay hor fadhiisteen isagii, curadka sidii curadnimadiisii ahayd buu u fadhiistay, kii ugu yaraana yaraannimadiisii; markaasaa nimankii midba midka kale eegay oo ay wada yaabeen.

34. Markaasaa hortiisa waxaa iyagii looga qaaday dhawr qaybood oo cunto ah, laakiinse intii Benyaamiin shan jeer bay ka weynayd kuwa kale intoodii. Kolkaasay wax cabbeen oo ay la farxeen isagii.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 43