Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 36:37-43 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

37. Markaasaa Samlahna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Sha'uul oo reer Rexobod ahaa oo webiga ag degganaa.

38. Markaasaa Sha'uulna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Bacal Xaanaan ina Cakboor.

39. Bacal Xaanaan ina Cakboorna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadar, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Faacuu; naagtiisa magaceeduna wuxuu ahaa Meheetabeel, oo ay Matreed gabadha Meesaahaab dhashay.

40. Kuwanuna waa magacyadii ugaasyadii Ceesaw dhalay, siday ahaayeen qabiilooyinkoodii iyo magacyadii meelahoodii ay degganaan jireen, waana ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed,

41. iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon;

42. iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar;

43. iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Kuwanu waa ugaasyadii reer Edom sidii ay u degganaayeen dhulkii ay lahaayeen. Kanu waa Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 36