Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 36:29-37 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

29. Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor; ugaas Lootaan, iyo ugaas Shoobaal, iyo ugaas Sibecoon, iyo ugaas Canah,

30. ugaas Dishon, iyo ugaas Eeser, iyo ugaas Diishaan. Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor siday ahaayeen ugaasyadoodii dalka Seciir joogay.

31. Kuwanuna waa boqorradii xukumi jiray dalkii Edom intaan boqorna xukumin reer binu Israa'iil.

32. Belac ina Becoor wuxuu xukumi jiray Edom, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Dinhaabah.

33. Markaasaa Belac dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa.

34. Yoobaabna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Xushaam oo ka yimid dhulkii reer Teemaan.

35. Xushaamna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadad ina Bedad, oo reer Midyaan ku laayay berrinkii Moo'aab, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid.

36. Markaasaa Hadadna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Samlah oo reer Masreqah ahaa.

37. Markaasaa Samlahna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Sha'uul oo reer Rexobod ahaa oo webiga ag degganaa.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 36