Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 31:19-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Laabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa.

20. Markaasaa Yacquub si qarsoon uga tegey Laabaankii reer Suuriya oo aan ogayn, umana uu sheegin inuu cararayo.

21. Oo sidaasuu ula cararay wixii uu haystay oo dhan, oo intuu kacay, ayuu webigii ka gudbay, oo wejigiisii ku toosiyey buurtii Gilecaad.

22. Maalintii saddexaad baa Laabaan loo sheegay in Yacquub cararay.

23. Markaasuu walaalihiis kaxaystay, oo wuxuu raacdaynayay toddoba maalinsocod, wuxuuna ku gaadhay buurtii Gilecaad.

24. Markaasaa Ilaah riyo habeennimo ugu yimid Laabaankii reer Suuriya, oo ku yidhi, Iska jir oo Yacquub xumaan iyo wanaag toona ha kula hadlin.

25. Laabaanna wuu soo gaadhay Yacquub. Haddaba Yacquub teendhadiisii wuxuu ka dhistay buurta; Laabaanna walaalihiis buu kala dhistay buurtii Gilecaad.

26. Laabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay, oo maxaad si qarsoon iiga soo tagtay anoo aan ogayn, oo aad gabdhahayga ula soo carartay sidii iyagoo ah maxaabiis seef lagu soo dhacay?

27. Maxaad qarsoodiga ugu soo carartay, oo aad si qarsoon iiga soo tagtay? Oo maxaad iigu sheegi weyday, si aan kuugu soo ambabbixiyo rayrayn iyo gabayo iyo daf iyo kataarad?

28. Oo maxaad iigu oggolaan weyday inaan dhunkado wiilashayda iyo gabdhahayga? De taas nacasnimaad u yeeshay.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 31