Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 29:22-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. Markaasuu Laabaan soo ururiyey nimankii meeshaas joogay oo dhan, oo wuxuu sameeyey diyaafad.

23. Oo waxay noqotay inuu fiidkii kaxeeyey gabadhiisii Lee'ah, oo uu u geeyey isagii; isna wuu u tegey iyadii.

24. Laabaanna wuxuu gabadhiisii Lee'ah siiyey Silfah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.

25. Yacquubna wuxuu aroortii arkay inay tahay Lee'ah, oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Miyaanan Raaxeel kuugu shaqaynayn? De maxaad haddaba ii khiyaanaysay?

26. Laabaanna wuxuu yidhi, Dhulkayaga sidaas laguma sameeyo in tan yar curadda la dhaafiyo.

27. Bal tan toddobaadkeeda dhammee, tan kalena waxaannu kugu siin doonnaa shuqulka aad toddoba sannadood oo kale ii shaqayn doontid.

28. Yacquubna sidii buu yeelay, toddobaadkeediina wuu dhammeeyey. Markaasuu Laabaan Yacquub siiyey gabadhiisii Raaxeel inay naag u noqoto.

29. Laabaanna wuxuu gabadhiisii Raaxeel siiyey Bilhah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 29