Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 24:27-35 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo aan naxariistiisa iyo runtiisa ka joojin sayidkayga. Anigana Rabbigu jidkuu igu soo hoggaamiyey, oo wuxuu i keenay gurigii sayidkayga walaalihiis.

28. Gabadhiina intay orodday ayay waxyaalahan dadkii guriga hooyadeed uga warrantay.

29. Rebeqahna waxay lahayd walaal magiciisa la yidhaahdo Laabaan. Markaasaa Laabaan dibadda u baxay oo wuxuu ku orday ninkii isha joogay.

30. Markuu arkay sangeliskii, iyo dugaagadihii gacmihii walaashiis ku jiray, oo uu maqlay hadalkii walaashiis Rebeqah, iyadoo leh, Sidan buu ninkii iila hadlay, ayuu u yimid ninkii oo bal eeg, wuxuu ag istaagay awrtii isha joogtay.

31. Oo wuxuu ku yidhi, Kaaga Rabbigu barakeeyeyow, soo gal, maxaad dibadda u taagan tahay? Gurigii waan soo hagaajiyey, awrtana meel baan u diyaariyey.

32. Ninkiina gurigii buu soo galay, awrtiina wuu furay, wuxuuna isaga awrtii ugu dhiibay caws iyo cunto, biyona wuu siiyey inay ku cago maydhaan isaga iyo raggii la socdayba.

33. Cuntona waa la hor dhigay inuu cuno: laakiinse wuxuu yidhi, Cuni maayo ilaa aan sheego farriintayda. Kolkaasuu yidhi, Sheeg.

34. Markaasuu yidhi, Waxaan ahay Ibraahim addoonkiisa.

35. Rabbigu aad iyo aad buu u barakeeyey sayidkayga, wuuna weynaaday: wuxuuna siiyey adhi iyo lo', iyo lacag iyo dahab, iyo rag addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo geel iyo dameerro.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 24