Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Bilowgii 18:8-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Kolkaasuu u qaaday subag, iyo caano, iyo dibigii uu diyaariyey, oo hortooduu dhigay; isna dhinacooduu istaagay geedkii hoostiisii; iyana way cuneen.

9. Oo waxay ku yidhaahdeen, Meeday bilcantaadii Saarah? Markaasuu yidhi, Waa taa; teendhaday ku jirtaa.

10. Wuxuuna ku yidhi, Hubaal waan kuu soo noqon doonaa markii xilligu soo wareego; oo bal ogow, naagtaada Saarah wiil bay dhali doontaaye. Saarahna way maqashay, iyadoo joogta iriddii teendhada oo ka dambaysay isaga.

11. Haddaba Ibraahim iyo Saarah way da' weynaayeen; gabow bayna la dhaceen; caadadii naaguhuna Saarah way ka joogsatay.

12. Saarahna qalbigay ka qososhay, iyadoo leh, Ma anigoo gaboobay baan farxad heli doonaa, iyadoo sayidkayguna gaboobay?

13. Rabbiguna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Saarah maxay u qososhay, iyadoo leh, Runtii ma ilmaan dhali doonaa, anoo gaboobay?

14. Ma wax Rabbiga ku adag baa jira? Wakhtigii la ballamay baan kugu soo noqon doonaa, markii xilligu soo wareego, oo Saarah wiil bay dhali doontaa.

15. Markaasaa Saarah dafirtay oo tidhi, Ma aan qoslin; maxaa yeelay, way cabsatay. Oo isna wuxuu yidhi, Maya, laakiin waad qososhay.

16. Nimankiina halkaas way ka kaceen, oo waxay u jeesteen xagga Sodom: Ibraahimna wuu raacay inuu sagootiyo iyaga.

17. Rabbiguna wuxuu yidhi, Miyaan Ibraahim ka qariyaa waxaan samaynayo,

18. Maxaa yeelay, hubaal Ibraahim wuxuu noqon doonaa quruun weyn oo xoog leh, oo quruumaha dhulka oo dhammu isagay ku barakoobi doonaan?

19. Waayo, waan garanayaa isaga, inuu carruurtiisa iyo kuwa gurigiisa jooga ku amri doono, inay jidka Rabbiga xajiyaan inay sameeyaan xaqnimo iyo caaddilnimo; si uu Rabbigu Ibraahim ugu soo dejiyo wixii uu kaga hadlay.

20. Rabbiguna wuxuu yidhi, Qaylada Sodom iyo Gomora way badatay, dembigooduna aad buu u weynaaday.

akhri dhamaystiran cutubka Bilowgii 18